Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan booliska ay isku gedaameen xarunta ADC-da oo saldhig u ahayd maamulka uu kal hore ku dhawaaqay Madoobe Nuunow Maxamed.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in taliyaha booliska gobolka Baay Kornayl Mahad Cabdiraxmaan iyo ciidamo uu watay ay amreen in ciidankii ku jiray xarunta ADC-da dibadda loo saaro.
Gudaha magaalada Baydhabo ayaa saaka laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah, iyada oo ay odayaasha dhaqanka maamulka lixda gobol weli ku adkaysanayaan in uu jiro maamulka lixda gobol ee Koonfur Galbeed.



From the comments