[huge_it_slider id=”56″]
Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira dalka, waxana Xukuumaddu sheegtay inay qaadanayso hoggaaminta dadaalka wax loogu qabanayo bulshada ay dhibaateeyeen abaaruhu, iyadoo shacabka Soomalaiyeed iyo beesha caalamkana ugu baaqday inay ka qayb-qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhibaataysan.
“ Dowladda Soomalaiyeed waxaa masuuliyad ka saaran tahay nolosha muwaadiniinteeda, waxaana xukuumaddu qaadanaysaa kaalinteeda kaga aaddan wax-u-qabadka dadka ku dhibaataysan gobollada ay abaaruhu ku dhufteen. Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa dadka wax haysta ee Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka inay ka qayb-galaan gurmadka loo fidinayo dadka baahan. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.



From the comments