War naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in qarax wayn uu ka dhacay gudaha magaalada.
Warar hor dhac ah oo ay heshay Goobjoog FM ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay gaari ay leedahay hay’adda ICRC, kaasoo marayay bartamaha magaalada.
Goob jooge ku sugan Kismaayo ayaa u sheegay Goob joog FM in gaariga la qarxiyay uu yaalo goobtii ay waxyeeladu ku soo gaartay.



From the comments