Maamulka dowlada ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay gobolka ka jirto xaalad bani’aadanimo, isagoo sheegay in ay abaaraha ka jira gobolkaasi u dhinteen tiro dad ah.
Guddoomiye ku xigeenka Gedo Cabdi Bare Cabdi oo Goob Joog FM u waramay ayaa sheegay in qoysas badan aysan haysan baad iyo biyo, taasi oo sida uu yiri sabab u noqotay dhimashada ilaa 6 qof oo ah caruur iyo dad da’ ah oo ku sugnaa degmooyinka Buurdhuubo iyo Garbahareey.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in degmooyinka gobolka Gedo ay la soo gaarto gurmad deg- deg ah ka hor inta aanay xaaladdu faraha ka bixin.



From the comments