Guddoomiyaha degmada Beledwayne oo sheegay in maamulka gobolka uu fara gelin ku hayo shaqadiisa
Maamulka degmada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in khilaafka soo kala dhex galay madaxda maamulkaasi uu ragaadin doonto hab-sami u socodka howsha maamulka.
Guddoomiyaha Beledwayne Cusmaan KHalafow oo waraysi siiyay Goob Jjoog FM ayaa sheegay in guddoomiayaha maamulka gobolka Cabdifataax Xasan Afrax uu fara gelin ku hayo howshii maamulka degmada Beledweyne, taasi oo sida uu yiri curyaaminaysa shaqadiisa.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in arimuhu ku wanaagsanaan lahaayeen in mas’uul kasta uu waajibkiisa u guto si wanaagsan , halkii farta la isku fiiqi lahaa.
Is qab-qabsigan uu guddomiyuhu sheegay ayaa ka dhashay dhul la tilmaamay in la siiyay ganacsato ku sugan Beledweyne, taas oo uu KHalafow tilmaamay in uu ahaa dhul dan guud.