
Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in is bedel xaga amaanka ah laga dareemayo magaalada Kismaayo kadib markii lagu xiray wadooyinka Kismaayo layrarka (nalalka) cadceeda ku shaqeeya.
Guddoomiyaha xaafadda Far-Janno ee magaaladaasi Xasan Xareed oo ka hadlay is bedelka laga dareemayo amaanka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in wadooyinka lagu xiray layrarka ilayska qoraxda ku shaqeeya ay xilli dambe isticmaalaan gaadiidka dadwaynaha, taasi oo uu sheegay inay keentay iftiinka magaalada.
Xasan Xareed ayaa tilmaamay in dhinaca kale dib u dayac tir lagu wado xarumaha maamulka ee magaalada Kismaayo, ayna ka mid yihiin Bankiga magaalada iyo xarunta Caymiska oo loo qorsheeyay barlamaanka maamulka KMG Jubba.



From the comments