Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu qorshaynayo in Magaalada Muqdisho ay ka hir galiyaan xarumaha faya dhowrka si loo ilaaliyo nadaafada deegaanka.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed Caana-Geel ayaa sheegay in hore maamulka gobolka uu ugu guulaystay hir galinta goobo caafimaad.
Waxa u tusaale u soo qaatay Caana-Geel Isbitaalka Digfeer oo uu sheegay in la dayactirayo oo howsha ay bilaabatay.



From the comments