Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli SHeekh Axmed ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qaban qaabada soo dhowaynta mudane Cabdiweli SHeekh ayaa ka socota garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.
Amaanka ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoo ay garoonka diyaaradaha iyo wadooyinka soo gala ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM.



From the comments