Maamulka Xeraale oo dad u soo qab-qabtay xaalufinta dhirta
Sheeko:Dalka
Ciidamada amniga deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa soo qab-qabtay ilaa 10 dhalinyaro ah oo faraha kula jiray jarista dhirta deegaankaasi.
Taliyaha ciidamada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee deegaanka Xeraale Maxamed Cali Maxamed Cali ayaa Goob Joog FM u sheegay in ciidamadu ay sii wadayaan la dagaalanka kooxaha ku kaca jarista dhirta ee deegaanada Galgaduud.
Dhowr jeer oo hore ayaa deegaano hoos taga gobolka Galgaduud laga soo qab-qabtay dad lagu eedeeyay in ay jarista dhirta ka wadaan deegaanada gobolka Galgaduud.
Maxamed Cali Maxamed Cali ayaa sidoo kale digniin u jeediyay dadka ku howlan baabi’inta iyo xaalufinta dhirta deegaanka, waxa uuna ugu baaqay bulshada ku dhaqan halkaasi in ay dhowraan deegaanka.