WAR DEG-DEG: Koox hubaysan oo gudaha u galay xabsiga Godka Jilicow ee Muqdisho
Sheeko:Dalka
Warar daqiiqado ka hor na soo gaaray ayaa sheegaya in rag hubaysan ay gudaha u galeen xabsiga Godka Jilicow.
Warar horudhac ah oo ay heshay Goob Joog FM ayaa sheegaya in rasaas xooggan laga dhex maqlayo gudaha xabsiga, rasaasta waxaa is weydaarsanaya ciidamada nabad sugida ee ilaalada ka ah Godka Jilicow iyo raggii hubaysnaa ee weerarka ku soo qaaday xabsiga. Faah faahin la xiriirta khasaaraha ka dhacay halkaasi ayaan la ogayn ilaa haatan.
Qaraxyo dhowr ayaa laga maqlayaa gudaha xabsigaasi Godka Jilicow.
Godka Jilicow ayaa ka mid ah xabsiyada ugu muhiimsan ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya dhigto shaqsiyaadka ku eedaysan in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.
Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Goobjoog FM