Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u xaqiijisay geerida hogaamiyahoodii oo ay maraykanku sheegeen in ay duqeyn ku dileen isniintii la soo dhaafay.
Al-shabaab ayaa xilkii uu baneeyay hogaamiyahoodii hore u magacaabay hogaamiye cusub oo lagu magacaabo Axmed Cumar Abuu-Cubeyda sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xarakada Al-shabaab.
Warka warbaahinta Shabaab baahiyeen ayaa lagu sheegay bayaan ku qoran luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in hogaamiyihii xarakada ay la geeriyodeen labo sarkaal oo la socday kuwaas oo aan la sheegin magacyadooda sida ay u sheegeen Teleefishinka Al-Jazeera.



From the comments