
Guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa taliska booliska gobolka SHabeellaha dhexe ku eedeeyay dhul boob rag hubeysan ay ka wadaan degmadaasi.
Cabdi Kaamil Shukri Macalin Xasan oo ah guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa isaga oo u waramayay Goobjoog FM waxa uu sheegay in uu baaritaan ku sameeyay rag hubeysan oo dhul boob ka wada degmada Kaxda isla markaasina jir dil u geystay shacabkii daganaa guryaha ku yaalla degmada Kaxda ee Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ciidamadaasi ay ka mid ahaayeen ciidamada booliska ee gobolka SHabeellaha dhexe gaar ahaan qeybta birmadka oo uu hogaamiyo Xasan dhicisoow kaas oo uu tilmaamay in uu ka mid yahay saraakiisha ciidamada booliska gobolkaasi.



From the comments