Burcad Koofur Afrikaan ah oo dhac u geystay meherado ay lahaayeen Soomaali
Kooxo gaangistiro ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa boob u gaystay goobo ganacsi oo ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed oo ku nool dalkaasi. Ma jirin wax gurmad ah oo…
Published September 13, 2014
Akhris 1 daqiiqo ah
Kooxo gaangistiro ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa boob u gaystay goobo ganacsi oo ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed oo ku nool dalkaasi.
Ma jirin wax gurmad ah oo Soomaalidaas ay ka heleen ciidamada ammaanka dalkaasi intii kooxdan ay ku guda jirtay dhaca dukaamadan.
Soomaalida ku nool magaalooyinka dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay dhibaatooyinka ay kala kulmaan kooxahan gaangistaraha.
Soomaalida ku nool dalka Zambia ayaa iyana marti u noqday falal dhac ah oo ugub ku ah ganacsatada ku dhaqan Zambia kadib markii bilihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay xireen ganacsato iyo qaar ka tirsan xawaaladaha soomaalida eek u yaalla dalkaas.
Maxamed Bagaf ayaa Goobjoog FM u sharaxay sida uu u dhacay boobkan loo gaystay Soomaalida Koofur Afrika ku nool:
From the comments