Wadayaasha mootooyinka Muqdisho oo welwel ka muujiyay amarro la dul dhigay
Sheeko:Dalka
Qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka yar yare ee loo yaqaano Bajaajta ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin war ka soo baxay taliska ciidamada wadooyinka gobolka Banaadir kaas oo sheegayay in tallaabo adag laga qaadayo wadayaasha mootooyinkaasi.
Waxa ay sheegeen wadayaashani in hadalkaasi ay u arkaan mid u horseeda hakinta shaqo maalmeedkooda oo ay ku maareeyaan noloshooda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ka dalbadeen in ay u istaagto wax ka qabashada go’aankan ka soo baxay wadayaasha mootooyinka Bajaajta.
Taliyaha ciidamada Taraafikada Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in mootooyinka ay sabab u yihiin shilalka ugu badan ee ka dhaca gudaha Muqdisho isla markaana ay amaro cusub ka soo saari doonaan dhowaan.