
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho xilli uu kulamo kula soo qaatay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga madax ka tirsan dalkaas.
Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa markii uu soo gaaray magaalada waxa uu booqday xarumo ay leedahay dowladda hoose oo dib u dhis uu ka socdo.
Xarumaha uu booqday waxaa ka mid ahaa xaruntii hore ee maamulka gobolka Banaadir (Fiisha Guverno), waxa uuna halkaas kaga guddoomay deeq shidaal ah oo ay maamulka guddoonsiisay shirkada Has Petroleum.



From the comments