Ra'iisal wasaare Cabdiweli oo u ambabaxay dalka Ingiriiska

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo uu uga qeyb-galay furitaankii shirka dib u heshiisiinta gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiirro iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo isla maanta Ra’isul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ay u ambabaxeen caasimadda dalka Ingiriiska ee London oo ay uga qeyb geli doonaan shir looga hadlayo ammaanka Soomaaliya.
Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka soo laabteen Baydhabo hadana ay ku sii jeedaan magaalada London si ay halkaasi uga qeyb galaan shir si gaar ah oo looga hadlayo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.
Wafdiga ra’iisul wasaaraha waxaa ka mid ah wasiirrada gaashaandhigga iyo war faafinta iyo saraakiil kale, waxaana shirkaasi ka qeyb gali doona madax ka socota wadamada reer Yurub, iyada oo dowladda Ingiriiska ay marti galisay shirkaasi ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya lagu taageerayo.