Madaxwaynaha maamulka Ximan iyo Xeeb oo gaaray Cadaado
Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Cadaado gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Maxamed Baarleex.
Safarka madaxwaynaha waxaa ku wehelinayay xubno ka mid ah ergooyinkii ka qeyb geli lahaa shirka wada tashiga beelaha wada dega gobollada dhexe ee dalka kuwaasi oo degmada Cadaado lagu soo dhoweeyay.
Madaxwaynaha ayaa u mahad celiyay dadkii ku soo dhoweeyay magaalada Cadaado isaga oo sheegay in uu goor dambe warbaahinta la hadli doono.
Magaalada Cadaado ayaa marti galineysa shirka wada tashiga ee maamul goboleedka loogu dhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.