Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kula kulmay qaar ka tirsan madaxda caalamka oo ka qeyb galaysa kulanka wayn ee qaramada midoobay.
Madaxwaynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb galaya kulanka 69-aad ee shirka sanadlaha ah ee qaramada midoobay, isagoo kulamo gooni gooni ah New York kula yeeshay madax ka tirsan dalka Maraykanka.
Ajandayaasha shir waynaha sanadkan lagu wado in looga hadlo waxaa ugu muhiimsan arimo ay ka mid tahay is bedelka cimilada adduunka.



From the comments