Darawalada baabuurta ka shaqeeya inta u dhaxeysa deegaanka Mareerey iyo degmada Afgooye ayaa ka cabanaya isbaarooyin ku soo batay wadadaasi oo gadiidkooda lacago fara badan oo ay baad ku sheegeen looga qaado gaadiidkooda.
Wadayaashan oo cabashadooda ay la qabaan dadka ku nool deegaanka Mareerey ayaa waxa ay sheegeen in muddo shan bilood gaareysa ay soo jiitamaysay cabashadan isla markaana maamulka degmada oo ay u gudbiyeen dhibataada ay u sheegeen in aysan waxba ka qaban karin ragaasi.
Waxa ay tilmaameen in lacagaha wadadaasi looga qaado gaadiidka iyo waxa ka soo gala aanay isku dhigmin isla markaana hada ay ku dhawyihiin in ay shaqo joojin sameeyaan hadii aan waxba laga bedelin.



From the comments