Madaxwayne Xasan oo ka war bixiyay safarkii uu ku tagay New York

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo qeyb galay shirkii 69-aad ee golaha guud ee qaramada midoobey ku yeelatay magaalada New York.
Madaxwaynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay guddoomiyaha baarlamanka, Ra’iisal wasaaraha , wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalka Maraykanka la kulmay madax ka tirsan caalamka oo ka qeyb galayay kulan waynaha qaramada midoobey gaar ahaan madaxda dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda.
Waxa uu si kooban u tilmaamay in dalal dhowr ah ay ballan qaadyo u sameeyeen Soomaaliya, kuwaas oo doonaya in ay dowladda ka caawiyaan dhinacyada dhismaha ciidanka, ammaanka iyo doorashada lagu wado in ay dalka ka qabsoonto 2016-ka.
Khudbadii uu ka jeediyay xarunta qaramada midoobey ayuu ku sheegay madaxwaynuhu in 70% ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay Al-shabaab ka saartay dalka.