Ku simaha wasiirka ahna wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maal gashiga Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkey u qaabilsan Soomaaliya danjire Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal u dhaxeeya .
Wasiir Mahad Salaad ayaa ugu hambalyeeyay danjire Olgan xilka cusub ee loo soo magacaabay , isagoo u rajeeyay xil gudasho ammaan mudan , waxa uu sidoo kale bogaadiyay mashaariicda horumarinta ah ee dowladda Turkey ay ka fulineyso Soomaaliya.





From the comments