Kaam ku yaalla deegaanka Sar-kuusta ee duleedka magaalada Muqdihso ayaa lagu arkay meydka cunug yar oo lix bilood dhalan kaas oo ay ka maqnaayeen qeybo ka mid aa jirkiisa.
Qaar ka tirsan dadka ku nool kaamamka barakacayaasha ee goobta wax ka dheceen ayaa sheegay in dhacdadaasi ay walaac ku abuurtay maadaama ay guryo dayacan oo ulo iyo baco la isku xirxiray ka sameysan ay ku hoos nool yihiin.
Hooyada iyo aabaha dhalay ilmahaasi yar oo lahadlay Goobjoog FM ayaa tilmaamay in xalay saqdii dhexe xilli ay jiifeen la gala baxay cunugooda meel ka mid ah buush cooshado ka sameysan oo ay jiifeen.



From the comments