Siyaasi Idiris Xasan Faarax oo ku sugan dalka dibadiisa ayaa sheegay in qarashaadka wadamada caalamka ugu yaboohaan Soomaaliya lagu bixiyo howl galka ciidamada midowga Afrika ee AMISOM iyo sidoo kale howl gallada lagula dagaalamo burcad badeeda soomaalida.
Idiris ayaa meesha ka saaray in lacagahaasi Soomaaliya loo ballan qaaday marnaba aan dalka la soo gaarsiin, wuxuuna sheegay in lacagtaasi timaado laguna bixiyo wax walba oo Soomaaliya laga sameynayo.
Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray hadalkii dhowaan ka soo yeeray madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in weli caalamka aysan si dhab ah u fulin ballan qaadkii ay sameeyeen.



From the comments