Qaar ka tirsan odayaasha beelihii dhowaan ku dagaalamay gobolka Hiiraan ayaa ka digay in guddiga wasiirada ah ee Xukuumadda Soomaaliya u xil saartay xalinta dagaalka gobolkaasi ay tagaan magaalada Beledweyne.
Odayaashaasi ayaa sheegay in xubno ka mid ah wasiiradaasi ay ka mid yihiin dadkii ka shaqeeyay dagaal beeleedka ka jira gobolka Hiiraan kuwaasi oo ku baaqay in laga fiirsado qaabka loo guda galay arimahaasi.
Axmed Cabdi oo ka mid ah odayaashan shirka jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa sharci darro ku tilmaamay hanaanka dowladdu ay ku dooneyso xal ka gaarista colaada Hiiraan.



From the comments