Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo dad badan lagu qab qabtay waxay ka wadaan degmada Xudur ee gobalka Bakool, waxaana ciidamada la sheegayaa in xaafadaha ay guri guri u galayaan.
Wariyaha Goobjoog Fm ee gobalka Bay iyo Bakool ayaa soo sheegaya in ciidamada ay qab qabteen dad badan degmadaasi ku sugan, kuwaa oo lagu xiray saldhiga degmadaasi.
Howlgaladaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii habeenadii lasoo dhaafay ay ciidamada Al-shabaab weeraro kusoo qaadeen degmadaasi gaar ahaan fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen halkaasi.



From the comments