Waxaa maanta xaruta Somali Media Academy ee magaalada Muqdisho ka furmay koorso deg deg ah oo lagu baran doono naxwaha afka Soomaaliga iyo Mideynta qoraalka taa oo socon doonta muddo sedax bil ah.
Koorsadan ayaa loo qabtay Wariyaal ka socday Idaacadaha Goobjoog, Maandeeq iyo arday ka kala socotay qaar ka mid ah jaamacadaha Magaalada Muqdisho.
Waxaa koorsadaan bixinaya Bare ku xeel dheer cilmiga naxwaha Afka Soomaaliga oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Shiraac, kaa oo ka mid ahaa barayaashii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.



From the comments