Rag hubaysan ayaa xalay waxay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ku dhaawaceen mid kamid ah nabadoonada ugu caansan degmadaasi.
Nabadoon Xuseen Jiis oo aad looga yaaqaano degmada Afgooye ayaa isaga oo kasoo baxay Masjid waxaa weeraray rag dhalinyaroo ah kuna hubeysnaa Bistoolado, waxaana soo gaaray dhaawac.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Afgooye, goobjoogna ahaa markii ay wax dhacayeen ayaa u sheegay Goobjoog Fm in Nabadoonka dhaawac xoogan uu soo gaaray, sidoo kalena goobta ay ka baxsadeen ragii falkaasi ka dambeeyay.



From the comments