Maamulka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargaysa ayaa sheegay in ay baaritaano dheeraad ah oo dhinaca Caafimaadka ay ku bilaabeen dadka ka soo degaya Garoonka Magaladaasi kuwaas oo ka imaanaya dalalka Galbeedka Afrika oo Fayruska Ebola u ka jiro.
Ku Xigeenka Maareyaha Garoonka Magaalada Hargaysa Nageeye Maxamed Xasan ayaa sheegay in Go’aankan ka yimid Wasaarada Caafimaadka Maamulka Hargaysa.
Wacyo galin arintani ku saabsan ayuu tilmaamay Mr Nageeye in ay siiyeen Shaqaalaha ka hawlgala Garoonka Magaalada Hargaysa si wax walba looga hortago.



From the comments