Nabadoon Maxamed Mukhtaar Ismaaciil oo ka mid ah odayaasha gobalka Gedo ayaa qeylo dhaan ka diray abaarta ka jirta deegaano ka mid ah gobalka Gedo, waxaana saameyn ay ku yeelatay abaarta sida uu sheegay dad iyo duunyo.
Nabadoonka oo u waramay Goobjoog Fm isaga oo ku sugan magaalada Garbahaareey ayuu sheegay in xaaladda ay kaso dartay, islamarkaana ay jiraan dad u dhintay abaar iyo kuwo kalena ay dhiban yihiin.
Dadka ugu daran ee abaartaan ku dhintay ayuu sheegay in ay yihiin dadka reer Guuraaga ah oo weli aan la kulmin roob, sidoo kalena aanay haysan wax ay cunaan.



From the comments