Dr Cali Yaasiin oo ka mid ah aqoonyahana Soomaaliyeed ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh uu yahay mid dastuuri ah.
Aqoonyahankaan oo booqasho ku yimid xarunta dhexe ee Goobjoog Fm magaalada Muqdisho ayaa sheegay in khilaafkaan uu yahay mid horay uga soo bilawday madaxdii dalka soo maray, waxaana saameynta ugu badan uu sheegay in shacabka uu ku yeelanaayo.
Waxa uu tilmaamay in dhibaatada soo dedejisa khilaafkaan ay kaalin ka qaadanayaa Dastuurka Dalka u yaala iyo sidoo kale dowladda oo hab qabiil lagu qeybsado.



From the comments