Kulan looga hadlayay sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa cudurada ka dhasha biyaha iyo cuntada ayaa maanta ka dhacay Jaamacadda Jasiira ee Magaalada Muqdisho.
Kulankaan waxaa soo qaban qaabiyay jamciyadda asal, waxaana kasoo qey galay in ka badan 200 oo arday, kuwaa oo ka kala yimid dugsiyada gobalka Banaadir.
Professor Cabdullaahi Maxamed Xaamud oo ka tirsan jaamacadda Jasiira ayaa sheegay in looga baahan yahay dadka taxadar inay ka yeeshaan biyaha iyo raashiinka ay isticmaalayaan.



From the comments