Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ka dib safar uu ku tagay wadamo ku yaala qaaradaha Yurub iyo Asia ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Ugu horeyn waxa uu faah faahin ka bixiyay safarkii uu ku smaqnaa iyo shirar dhowr ah oo uu ka qeyb galay, waxaana uu sheegay in sidii loogu tala galay uu kusoo dhamaaday uljeedka safaradii uu ku maqnaa.
Dhanka kale waxaa wax laga weydiiyay khilaafka u dhaxeeya madaxda, waxaana uu sheegay in xilligaan khilaafka aanu dan u ahayn shacabka Soomaaliyeed.



From the comments