Maamulka dagmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan degmadaasi in ay ciidamada amniga gacan ka siiyaan sugidda amniga guud ee degmadaasi.
Gudoomiyaha Maamulka dagmadaasi Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in shacabka dagmadaasi ay xiriir la leeyihiin Ciidamada Amniga ee Dagmada, kuwaasi oo uu tilmaamay inay kala shaqeeyaan wax ka qabadashada Nabad galyada dagmada iyo Tuulooyinka hoos yimaada.
Gudoomiyaha waxa uu ku baaqay in shacabka dagan magaalada Ceel-buur in ay kaalintooda ka qaataan xasilinta Amaanka oo sii kordhiyaan kaalinta kaga aadan Amniga Magaaladaasi oo howlgal lagu xaqiijinayo Amniga dagmadaasi uu ka socdo.



From the comments