Wararka ka imaanaya degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in rag ku hubeysan Bistoolado ay dileen Laba gabar oo ka mid ah Ardayda dhiganaysay mid ka mid ah Jaamacaha ku yaala Magaalada Muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay xaafadda Mac-macaanka ee degmadaasi, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilkaasi ka dambeeyay.
Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Gabdhahaan la dilay sidoo kale ay ka u shaqeynayeen mid ka mid ah Hay’adaha magaalada Muqdisho ka shaqeeya, balse lama carabaabin.



From the comments