Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan xalinta xiisad dhawaan ka taagneed degmadaasi, taa oo u dhaxeysay beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega.
Madaxa Arimaha Bulshada ee degmadaasi, Khiliif Cabdi-samad Cali ayaa u sheegay Goobjoog Fm in maalmahaan dambe ay aad ugu howlanaayeen xasilinta xiisadaan oo wada hadalkeeda socdo.
Wada hadalada socda ayuu sheegay in ay hogaaminaayaan Maamulka degmada, Culimada, iyo Odayaasha dhaqanka, isaga oo rajo weyn ka muujiyay in si deg deg ah lagu xaliyo khilaafkaan.



From the comments