Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay howlgal ka sameeyeen degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha hoose kaa oo tiro dad ah lagu soo qab qabtay.
Gudoomiyaha degmada Baraawe Shaacir Cabdi Cismaan ayaa u sheegay in ciidamada ay habeen iyo maalin sameeyaan howlgalo looga golleeyahay in amniga lagu xaqiijiyo.
Waxa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen Rag uu sheegay Al-shabaab in looga shakisan yahay, waxaana uu tibaaxay in xilli walba degmadaasi ay ka baadigoobayaan qof walba oo Al-shabaab ka mid ah.



From the comments