Wararka ka imaanaya degmada Balanbale ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya Beelo walaalo ah oo wada dega degmadaasi.
Dagaalkaan oo qasaare geestay ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay ka dib markii beelahaan ay isku fahmi waayeen dhul daaqsin ah oo ku yaala duleedka Balanbale.
Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhintay Afar qof oo ka kala tirsan dhinayacda dagaalamaya, iyadoo 14-kale dhaawac uu kasoo gaaray sida Goobjoog Fm u sheegay dad halkaasi ku sugan.



From the comments