Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ayaa sheegaya inuu gaaray halkaasi safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhowayd ka degay magaalada Garoowe, iyagoo soo dhowayn ballaraan kala kulmay dowlada maamulka iyo shacabkeeda.
Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer C/laahi Cameey iyo xubno ka mid ah Madaxtooyada Puntland.



From the comments