Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa faah faahin ka bixiyay arimaha ku saabsan maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, waxaana uu sheegay in meel wanaagsan uu marayo shirka maamul u sameynta gobalada dhexe.
Axmed Diiriye Cali ayaa tilmaamay in ay aad u rajeynayaan inuu dhaqan galo go’aanka ah in la israaciyo gobalada Mudug iyo Galgaduud oo qeyb ka mid ah Mudug xiligan ay Puntland ku doodayso inaysan ogalaan doonin maamulkaasi in la soo raacsiiyo.
Dowladda Federaalka iyo dadka ka soo jeeda labadaasi gobal ayuu Nabadoonka ugu baaqay inay si wadajir ah u taageeraan sameynta maamulkaasi si uu u taabagalo.



From the comments