Darawalada gaadiidka ee ka shaqeeya gobolka shabeelaha hoose ayaa ka cabanaya isbaarooyin gaadiidkooda lacago baad ah looga qaado, kuwaa oo ku soo kordhay sida ay sheegeen wadooyin badan oo gobolkaas ka ku yaala.
Darawalada qaar oo la hadlay barnaamijka Cabashada dadweynaha ee idaacada Goobjoog ayaa sheegay in isbaarooyinku ay noqdeen kuwo la isaga daysado oo ninkii qori wataaba uu meel dhigto kuwaas oo badankood lebisan sida darawaladu ay sheegeen dharka ciidanka.
Qaarkood darawaladu waxay tilmaameyn in shaqadoodii ay ha kiyeen kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada ka jirta wadooyinkii marinka u ahaa.



From the comments