Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay,waxaa ka soconaya shir balaaran oo la doonayo in maamul loogu sameeyo Gobalada kala ah Bay, Bakool iyo Shabelaha Hoose , waxaana shirkaan ka qeyb galaya waxgaradka gobaladaasi ka kala socda
Gudiga Farsamada Maamulka Sadaxda Gobol ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ergada fadhida Magaalada Baydhaba ay maalmaha soo aadan u gudbi doonaan doorashada Hogaanka Maamulkaasi uu yeelan doono.
Ku xigeenka Gudigaas Siyaad Sheekh Cumar Sheekh Daahir ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in hada ay socdaan ka soo tala bixinta Dastuurka uu Maamulka yeelanyo.



From the comments