Maamulka Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada hawlgalo ay ka fuliyeen Degaan hoos taga Degmadaasi ay ku dileen rag isbaaro dhiganayay.
Ragaan ay dileen ayuu sheegay in ay isku dayeen iska hor imaad inay la galaan ciidamadii amniga waday, sidoo kale ay la dagaalami doonaan cid walba oo dhibaato wada.
Gudoomiye ku xigeenka Degmadaasi Xuseen Maankalow oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in Ciidamadu ay sii wadi doonaan hawlgalada ay ku sugayaan amaanka Degmada.



From the comments