Shir Jaraa’id ay qabteen xildhibaano taageersan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali ayaa sharci darro ku tilmaamay Mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Cabdiwali oo la sheegay in galabta loo gacan galiyay gudoonka Baarlamaanka.
Xildhibaan Cabdi Bare Yusuf Jibril oo ka hor hadlay sida uu sheegay 60 Xildhibaan ayaa sheegay inay u istaageen badbaadinta sharciga iyo Constitution ka, Xildhibaanka ayaa intaa ku daray inay ka hor tagayaan cida dastuurka ku waddo bur burinta iyo in ay u caqlinayaan wixii wado qaldan ku socda.
Xildhibaankan ayaa meesha ka saaray in mooshin la gudbiyay ama laga qabtay Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha, isagoo intaa raaciyay in warqadda loo dhiibay xogheynta oo aan loo dhiibin gudoonka Baarlamaanka.



From the comments