Maamulka deegaanka Hoosingow ee gobalka Jubbada Hoose ayaa ku baaqay in madaxda dalka iyo beesha caalamka ay soo fara galiso sida uu sheegay tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ay Kenya ka geysteen deegaankaasi.
Aadan Ibraahim Dhaqane ayaa sheegay in tacadiyadaasi ay ka mid yihiin qoys dhan oo hal gabar ay ka soo hartay, ka dib markii inta kale ay dileen ciidanka Kenya waa sida uu hadalka u dhigaye.
Arrintani ayuu sheegay inay u gudbiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ee Jubba, hase yeeshee ilaa iyo xilligaan ayuu tilmaamay in aanu helin wax jawaab ah oo arintaasi ku aadan.



From the comments