Xildhibaan Cabdi-ladiif Sanyare oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya sheegay in aanu hab sharci ah ku imaan Mooshin shalay laga keenay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanka oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in mudanayaasha golaha shacabka ay garan la’yihiin shaqada loo wakiishay, sidaasi darteedna mashquulka uu sidaasi ku yimid.
Wuxa uu tilmaamay in ay ka hortagayaan mooshinkaasi oo uu sheegay in uu yahay mid la doonayo in meesha looga saaro xukuumada Soomaaliya, ayna ku dadaali doonaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen.



From the comments