Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobalka Gedo ayaa ka hadlay Afduub maalin ka hor gobalkaasi loogu geystay dhaqaatiir la sheegay in ay ka shaqeynayeen gudaha degmada Garbahaareey oo xarun u ah gobalkaasi.
Korneel Cismaan Xaaji oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobalka Gedo, ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dhaqaatiirtaan ay qafaasheen Al-shabaab islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii ay kusoo dayn lahaayeen.
Waxa uu sheegay Korneelka in Al-shabaab ay ka war hayaan dadka ay qafaasheen inay yihiin shacab, waliba dhaqaatiir umadda wax u taraysay, hase ahaatee ay si cad u afduubteen waa sida uu hadalka u dhigaye.



From the comments