Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaario ayaa sheegay kulamo badan ka dib in ay isla garteen xildhibaanada in la xaliyo khilaafka xilligaan ka dhex oogan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Jawaari ayaa tilmaamay in xildhibaanada ay ka codsadeen joojinta mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh, waxaana uu sheegay in ay islagarteen arintaan.
Xildhibaanada kala taageersan Labada Mas’uul ayuu sheegay in ay is soo hor fariisiyeen, islamarkaana ay isla fahmeen xilligaan in aysan dank u jirin khilaaf dhaca iyo in la kala taageero.



From the comments