Shir looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa cudurka halista ah ee EBOLA ayaa maanta oo Axad ah waxa uu ka qabsoomay xarunta wasaradda Caafimaadka dowladda Puntland kaasooo dhinacyaddii kasoo qayb galay ay wada garfeeyeen xaaladda cudurkan uu marayo iyo sidii la isaga gaashan lahaa.
Shirkan waxaa soo qaban qaabiyay Wasaradda Caafimaadka waxana kasoo qayb galay wakiilo ka socda Hay’addaha iyo ururadda la shaqeeya wasaradda Caafimadka iyo qaar ka mid ah wasaraddaha dowladda.
Agaasimaha guud ee wasaradda Caafimaadka Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo Shir jaraa’id warbaahinta u qabtay ka dib markuu kulankan soo dhamaaday ayaa sheegay ujeedka loo qabtay shirka inuu yahay sidii sidii looga war bixin lahaa wasaradda Caafimaadka dadaalka ay wado iyo qorshaha ka hortaga cudurkan EBOLA.



From the comments