Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, waxaa ka socda shir lagu dhisayo maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal, waxaana uu haatan yahay mid maraya heer gaba gaba ah.
Guddiga farsamada maamul u sameynta seddexdaasi gobal ayaa ku dhawaaqay in xilligaan shirka uu marayo heer gaba gaba ah, islamarkaana maalmaha soo aadan ay dooran doonaan hogaankooda.
Axmed Xasan Fiqi oo ka mid ah gudagigaan ayaa u sheegay Goojoog Fm, in ku guuleesteen ansixinta Dastuurka maamulka Koonfur Gabeed iyo Calanka uu yeelanayo maamulkaasi, sidoo kalena ay ku dhawaaqeen in magaalada Baraawe ay xarun ka dhigtaan, maadaama Dastuurkaba lagu cadeeyay.



From the comments