Xaalad degnanaansho ah ayaa saaka laga soo sheegayaa deegaanno ka tirsan gobalka Jubbada Hoose oo shalay ay ku dagaalameen ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaaladaan ayaa ahaa kuwo xoogan oo labada dhinac isku soo noq noqdeen, waxaana deegaanada aadka loogu dagaalamay ka mid ah deegaanka Kudhaa.
Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in deegaanka Birta-dheer ee duleedka Kismaayo uu ka dhacay dagaal sababay khasaare dhimasho iyo isugu jirta, waxaana daryanka rasaasta laga maqlayay deegaano kale oo Jubada Hoose ka mid ah.



From the comments